Wasiirka Cadaaladda oo ka qeeyb galay Shirka Gollaha Cadaaladda Carabta

Date:

Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq uga qeyb galay fadhiga 39-aad ee Gollaha Cadaaladda Carabta oo markii ugu horeysay lagu qabtay magalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.
In shirkaan lagu qabto dalka Ciraaq, dowladda Soomaaliya-na uga qebgasho heer Wasiir ayaa mudan in si gooni ah loo dul istaago, marka la fiiriyo duruufaha amni iyo siyaasadeed ee ay soo martay Dowladda Ciraaq oo sanado ka hor ayna suuragal ahayn in shir noocaan oo kale ah lagu qabto sababo la xiriira kooxaha argagaxisada Daacish iyo Al-qaacida oo dhibaato wayn ku hayay dowladda iyo shacabka Ciraaq, kana hor taagnaa horumar kasta oo ay hiigsanayeen.
Ka qeyb galka shirkaan ee Wasiirka Cadaaladda iyo xubnaha ka socda Garsoorka dalka ayaa wax wayn uga dhigan Soomaaliya maadama ay Soomaaliya iyo Ciraaq ay wadaagaan duruufo ay ugu horeyso argagaxisada dhibaatada wayn gaarsiisay shacabka labada dal.
Soomaaliya ayaa hada doonaysa inay waaya aragnimo ka qaadato dagaallada iyo dadaallada dalka Ciraaq looga xoreeyay ururada argagxisada iyo soocelinta amniga iyo kala danbeynta iyo dhisida hay’ado garsoor ee awoodda leh, si aan uga faa’iideysanno dal ahaan oo annaguna aan isaga xoreyno Khawaarijta.
Inta shirku socday, waxaa la’is dhaafsaday doodo la xiriira sharciyada muhiimka u ah wadamada jaamacadda Carabta oo ay ugu horreeyaan sharciga dagaalka argagaxisada ee wadamada carabta, sharciga la dagaallanka musuqmaasuqa iyo sharciga ka hor tagga lacag dhaqista iyo danbiyaynta in madax furasho la siiyo kooxaha argagaxisada.

Wasiir Xasan Macalim oo khudbad dhinacyo badan taabnaysa ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay ujeedooyinka iyo tiirarka barnaamijka xukuumada Dan qaran iyo dadaallada uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ee ay Soomaaliya ku bixineyso la dagaallanka kooxaha argagaxisada iyo ka ciribtirkooda Soomaaliya iyo abuurista iyo tayeynta sharciyada la dagaalnka aragagaxisada, musuqmaasuqa iyo lacag dhaqista.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...