Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin ka kala socotay Wasaaradda Cadaaladda iyo Amniga Norway

Date:

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS Mudane, Axmed Siciid Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin ka kala socotay Wasaaradda Cadaaladda iyo Amniga Norway, Hogaanka Socdaalka, Xarunta Aqoonsiga Qaranka iyo Booliiska socdaalka Dalka Norway.

Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa kulamada uu la qaatay mas’uuliyiintan waxa uu kala hadlay, sare u qaadida iskaashiga, wadaagida qibradaha, tababarrada Saraakiisha iyo joogteynta taageerada dhanka horumarinta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

Dhanka kale, Agaasimaha guud ee HSJ iyo wafdigiisu waxey booqasho indha indheyn ah ku tageen xarumaha ay ku shaqeeyaan Wasaaradda Cadaaladda iyo Amniga Norway iyo Hay’addaha kale ee hoos yimaada, waxaana dhamaan xarumahan Agaasimaha iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyay si heer sare ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...