Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Date:

Waxaa nasiib darro ah in qaraxii Soobbe ee dhacay 14 October 2017-kii,isla markaana galaaftay nolosha dad badan, kadib in weli ay jiraan kooxo hubeysan oo u ooman daadinta dhiigga dadka,isla markaana doonaya in ay wiiqaan nidaamka dowladdnimo iyo dadaalada kale ee loogu jiro horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka iyo soo celinta amniga dalka.

14-ka Oktoobar  waaa dhacdado aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo iyo burbur hanti ay soo gaareen dad ka badan kun-ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isoyska Soobe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

Falkaasi xasuuqa ah oo ay ka dambeeeen kooxo nabad-diid ah,waa mid reebay xasuus lama iloowaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada umad sanado badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye oo haatan doonaya in ay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo.

Tirakoob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ka badan 500 oo ruux,isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 ruux,halka la waayey ,dad gaaraya 54-qof oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

Marka laga yimaado khasaaraa nafeed ee uu geystay qaraxaasi,waxaa ku burbuay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada ganacsiga,gawaari iyo dhismayaal badan.

Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibadaha ay u howlgaleen bixinta lacago malaayiin doolar ah oo xirfado ganacsi loogu abuuray eheladii uu saameeyay qaraxii Soobbe.

Waa dhab in ay jiraan dad daacad ah oo xilli kasta  u taagan badbaadinta bulshada iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka,taasina waa wax u gaar ah dadka Soomaaliyeed oo ay kaga duwan yihiin shucuubta kale ee caalamka.

Inkastoo dib u dhis wanaagsan uu ka muuqdo goobihii ganacsi ee agagaarka Soobbe,haddana falkaasi ay ka dambeeyeen kooxda Shabaab waa xasuuqii ugu xumaa ee loo geysto dad rayid ah oo ku jiray raadinta nolol maalmeedkooda.

Isku day kasta oo ay ka dambeeyaan kooxaha nabad-diidka ma ahan kuwo wax u dhimaya horumarada socda,sidaa daraadeed waxaa habboon in si wadajir ah looga shaqeeyo soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka qof kasta oo loo arko in ay lid ku yihiin danta dalka iyo dalka.

Sida cad,wadajir ayaa lagu badbaadin karaa dal jira,sidaa daraadeed,waa muhiin in ciidan iyo shacabba ay ka shaqeeyaan danta umadda,gaar ahaan waxyaabaha u baahan in hoos loo eego sida ilaalinta xasiloonida dalka,daryeelka bulshada , ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed iyo dhismaha  dalka .

Sidoo kale,haddii lagu shaqeeyo caqli saliim ah,waxaa suurtagal ah in ay badbaadaan shacbiga,isla markaana la bartilmaameedsado cid kasta oo ku howlan sameynta dambiyo dagaal oo ka dhan ah aadanaha.

Dowlad iyo shacab,waa in xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga,Waxaanna aaminsan nahay in bulsho mideysan oo diyaar ah ay ku dhaqaaqi karaan la dagaalanka cid kasta oo wax u dhimaya amnga dalka.

Si mar kale aysan u dhicin dhacdo la mid ah tii Soobe waa in qof kasta ay u howlgasho xilka kaga aadan dhowrista dowladnimada iyo guud ahaan soo celinta amniga iyo kala dambeynta oo si gaar ah u taabanaya dhaqdhaqaaqa bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta...

DHAMAYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA

Qareen Mohamed Hassan Nur ayaa waxa uu ka qoray...