Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta Kormeer Shaqo ugu tagay Kumaandooska Ilaalo Qaran

Date:

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta kormeer shaqo ugu tagay Kumaandooska Ilaalo Qaran oo howlgallo sifayn ah maalmahaan ka waday deegaanada Ciid Ciidka iyo Cali Fool Dheere oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe.
Taliyaha ayaa ciidanka ku bogaadiyay sida ay waajibkoodi ciidanimo uga guteen khawaarijtii ku dhuumaalysanaysay Ciid Ciidka ,isagoona xusay ineey tahay wax ay ku mudanyihiin bogaadin iyo amaan gooni ah.

Sidookale taliyaha ayaa ciidanka iyo saraakiishaba kula dar daarmay ineey sii laba jibaaran dadaaladooda ku aaddan baacsiga iyo sifaynta khawaarijta ee goobaha duurka ah ee ay isku dayaan ineey isku soo aruursadaan kana soo maleegaan weeraro fulaynimo ah .
Taliska ciidanka dhulka oo uu horkacayo Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa wada dadaalo dheeraad ah oo lagu guubaabinaayo geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira khawaarijta ,isagoo taliyuhu ku sugan yahay furumaha horre ee dagaalka .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...