Ra’iisul wasaare Xamse oo xarigga ka jaray Waddada Taleex oo dib loo dhisay {SAWIRRO}

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddada Taleex ee Degmada Hodan oo dib-u-dhis uu ku sameeyey Maamulka Gobolka Banaadir.
Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka halbowlaha ah ay kor u qaadayaan, nabadda, ganacsiga iyo horumarka kala duwan caasimadda, waxa uuna ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir sida ay uga goโ€™an tahay soo nooleynta bilicdii iyo horumarkii Muqdisho ay ku suntanayd.
Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda in ay ilaaliyaan nadaafadda iyo daryeelka waddooyinka, isla markaana ay si dhaw ula shaqeeyaan Maamulka Gobalka Banaadir oo gacanta ku haya dib u dhiska jidadka caasimadda.
Waddadan oo muhiimad gaar ah u leh isu-socodka bulshada caasimada, ayaa lagu dhisay barmaamijka hal doolar dalkaaga ku dhiso oo qeyb ka ah qorshe ay bulshadu uga qeyb qaadanayaan dib-u-dhiska Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...