Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray degaanka Cali Fooldheere

Date:

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gaaray deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellada dhexe, isago la hadlay Ciidanka Qaranka iyo Xoogagga xoreynta deegaanka.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dadka Ciidanka Qaranka iyo Xoogagga xoreynta deegaanka ku ammaanay doorka ay ka qaateen la dagaallanka khawaarijta iyo sida ay ugu babbac dhigeen cadowga, wuxuuna ugu baaqay in inta yar ee halganka ka hartay ay dhammaystiraan.

Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in laga wada qayb qaato dagaalka khawaarijta, cid kastana uu waajib ka saaran yahay in ay xoreyso degaannada ay matasho ama ka tirsan tahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed

Addis AbabA- Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa...

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...