Danjire Kullane oo ka qeyb galay furitaanka shirka caalamiga ah ee isku xirka Tamarta 2023

Date:

Safiirka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha  Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay munaasabadda furitaanka shirka caalamiga ah ee isku xirka Tamarta ee 2023.

Shirkan oo maanta furmay ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda caalamiga ah ee isku xirka tamarta iyo horumarinta iskaashiga ee Global Energy Interconnection Development and Cooperation Organisation (GEIDCO), waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dawladda, hay’adaha caalamiga ah, madaxda warshadaha iyo khubaro ka kala socotay caalamka.

Inta uu shirka socday ayaa la isla gorfeeyay  arrimo muhiim ah oo khuseeya tamarta caalamka,isku xirka iyo horumarinta tamarta nadiifka ah, iyo nidaamyada tamarta waarta.

Ka qeyb galka Danjire Kullane ee shirkan ayaa tusaale cad u ah sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sahminta xalal tamareed oo waara si wax looga qabto caqabadaha adag ee hortagaan horumarinta dalka. Soomaaliya waxaa muhiim u ah helitaanka ilo tamar oo la isku halayn karo oo nadiif ah si aan u xaqiijino hamigeenna ku aaddan horumar taabba gala.

Ugu dambeyntii, Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa tilmaamay sid ay Soomaaliya u daneyneyso in ay beesha caalamka kala shaqeyso sidii looga faa’ideysan lahaa tamarta nadiifka ahee ka curta hawada iyo qoraxda.isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hindisaha iyo fikradda laga helay shirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...