Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta oo shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha Khawaarijtu joogto

Date:

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta xoogga dalka General Cabduaahi Aadan Xuseen (Cirro ) ayaa Shacabka ay afduubka u haystaan Al-shabaab ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha Khawaarijtu joogto si aan dhibaato u gaarin, maaddaama Dowladda Federaalka oo kaashaneysa dadka deegaanka ay dagaal  kula jirto kooxdu oo hadda gabalkooda sii dhacayo.

Sidoo kale, Generaal Cirro ayaa shacabka uga digay in ay wax ku darsadaan kana ag-dhawaadaan Khawaarijta. Dowladda Federaalka ayaa dooneyso in ay qaaddo tallaabadii ugu dambeysay oo lagu ciribtirayo argagixisada dhiigyo cabka ah.

” Waxaan leenahay shacabka ay afduubka u hasytaan nimankaan Khawaarijta ah, waxaan idin kaga digeynaa ka dheeraada, wax hakim darsanina Ilaahey bey ka dheeraadeen, Dowladnimadii bey diideen, islaam-nimadii bey diideen, ciidamada guud ayaan waxay diyaar u yihiin in ay la dagaallamaan,” ayuu yiri Generaal Cirro.

Dhanka kale, Taliye ku-xigeenka ciidamada Lugta Xoogga Dalka Generaal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay qaadi doonaan howlgal cir iyo dhul ah oo lagu soo afjarayo jiritaanka iyo gumeysiga ay ummadda Soomaaliyeed ku hayeen Khawaarijta Al-shabaab, kuwaas oo muddo 15-sanno ka badan shacabka Soomaaliyeed gumaadayay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hormuud ah oo howlgalkan guuleystay ayaa ballan qaaday in mardhow la arki doono Soomaaliya oo xor ka ah Khawaarijta, waddooyinka Dalka oo isku furan iyo shacabka oo si nabad ah isku dhex mushaaxaya (Alle idimkii).

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...