Taliyaha Xoogga oo sheegay in khawaarijta billaabeen dhameystirka kuwa ka dhaawacmo

Date:

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Janeraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo la hadlayay ciidamada qeyb ka noqon doona dagaalka Khawaarijta ayaa sheegay in uu dhamaad marayo waqtiga khawaarijta, islamarakana ciidanka looga baahanyahay in inta firxadka ee duurka ku dhuumaaleysanayo ay soo afjaraan.

Janaraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa sheegay in dhaawacyada Khawaarijta uga dhaawacmay howlgallada Xoogga Dalka Soomaaliyeed aysan heli karin Isbitaallo la seexiyo taa badalkeeda ay dhameystirayaan kuwa waxyeellada ka soo gaarto.

“Khawaarijtu maanta ma heli karaan isbitaal ay geystaan kooda dhaawacma, waa dhammeystirayaan kaliya”.ayuu yiri Janaraal Ibraahim Sheekh Muxudiin.

Taliyaha ciidanka ayaa ugu dambeyn dhammaan ciidanka Xoogga iyo kuwa dadka degaanka ugu baaqay in loo wada istaago sidii la isaga dul qaadi lahaa khawaarijta, isagoona ciidamada u rajeeyay guul.

Taliye ku xigeenk Ciidanka Lugta ee xoogga dalka General Cabdulaahi Aden xuseen (Ciro ) ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha ay khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan lana beegsan doono,islamarakanay ka ceshtaan maalkooda iyo caruurtooda intaba.

“Waxaan Shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha Khawaarijtu joogto si aan dhibaato u gaarin”ayuu yiri taliye ku xigeenka

Kooxda khawaarijta Al-shabaab ayaa ku jirta xaaladdii ugu adkeyd waqtigan, waxaa la soo sheegayaa in jahwareer ku jiraan ayna aysato labo mid daran dooro oo kala ah in ay cadaaladda isku dhiiban ama iyagoo baxsad ah in goobaha ay ku dhuumanayaan in lagu khaarajiyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...