Dowladda Soomaaliya oo Khaarjisay Saddex horjooge sare oo Khawaarijta ka tirsanaa

Date:

Hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo Ciidamada Difaaca Shacabka ayaa lagu dilay saddex horjooge oo mas’uul ka ahaa falalka diinta ka baxsan ee Khawaarijta ka fulin jireen Galmudug.

Hawlgalka oo xalay ka dhacay Galbeedka Ceel-La Helay waxaa lagu dilay Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka jabhadaha Khawaarijta, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo iyaguna ahaa labo dembiile oo lagu daba jiray.

Hawlgalka oo ahaa mid si xirfadaysan loo qorsheeyay loona fuliyay waxa uu dhabarka ka jabiyay guud ahaan Khawaarijta gaar ahaan kuwa ku dhuumaalaysanaya Galmudug.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka deegaanka ee gacanta ka gaystay fududaynta hawlgalka.

Waxaa ka go’an Dowladda oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiirran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo, isla markaana ka dhaga adayga in ay ka haraan fikirka iyo ficilada Khawaarijta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo kulan la qaatay beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA WASAARADDA WARFAAFINTA

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...