Wasaaradda Difaaca Ruushka, ayaa subaxnimadii hore ee Saakay ku dhawaaqday inay soo rideen diyaaradaha aan duuliye lahayn oo ay leedahay Ukraine, kuwaasi oo uu hadafkooda ahaa inay duqeymo ka geystaan magaalada Moscow.
Sarakiisha Difaaca Cirka ee Ruushka, ayaa sheegay inay burburiyeen tiro kamid ah diyaaradaha aan duuliye lahayn oo ay Ukraine damacsaneed inay duqeymo kaga geystaan Moscow subaxnimadii hore ee Saakay.
Wakaaladaha wararka Ruushka ayaa sheegtay in laga sii war hayay weerarkan sidaana inta badan duulimaadyadii Diyaaradaha afarta Garoon ee caasimada loo weeciyay waqti ka duwan kii kolkii hore loo asteeyay.