Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Madaxda Xafiisyada Arrimaha Bulshada, Dib-u-dhiska iyo Xuquuqul Insaanka

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Madaxda Xafiisyada Arrimaha Bulshada, Dib-u-dhiska iyo Xuquuqul Insaanka ee hoostaga Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Howlgalka ATMIS.

Kulanka ayaa loogu hadlay sidii Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xafiiska ATMIS ay ugu wada-shaqeyn lahaayeen fulinta Mashaariicyo Horumarineed oo ay ugu horeyso Dhismayaasha Kaabayaasha Dhaqaalaha, Dib-u-dhiska Suuqayada, Kawaanada iyo xarumaha danta guud ee loogu adeego Bulshada.

Madaxa Xafiiska Dib-u-dhiska ATMIS Mr. Andew ayaa sheegay in Qorshaha ATMIS ee Xasilinta iyo soo kabashada ay qeyb ka tahay sidii dalka loogu fulin lahaa Mashaariicyo Horumarineed oo ay ugu horeyso Kaabayaasha Dhaqaalaha si loo helo kobac dhaqaale iyo Bulsho isku filan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo soo xiray shirkii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga AGA

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Ciraaq u qaabilsan Soomaaliya 

Muqdisho, Arbaco, 11 Febraayo 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...