Ciidanka Gaaboon oo la wareegay xukunka,isla markaana laalay natiijada doorashooyinkii dhacay

Date:

Koox ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada Dalka Gabon ayaa sheegay inay xukunka la wareegeen, daqiiqado kadib markii guddiga doorashada ee dalkaasi ay ku dhawaaqeen in madaxweyne Ali Bongo uu ku guuleystay markii saddexaad.

Saraakiisha oo saacadihii hore ee maanta ka soo muuqday TV-ga Gabon ayaa sheegay in ay matalaan dhammaan ciidamada ammaanka iyo difaaca ee dalka,iyagoo intaa raaciyay in la laalay natiijada doorashada ee ka dhacday dalkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda dalka xubnaha ka ah OPEC. Ilaa hadda ma cadda halka uu ku sugan yahay Bongo oo markii ugu dambeysay lagu arkay goob fagaare ah, markii uu codkiisa ka dhiibtay doorashadii Sabtidii.

” waxaan go’aansanay inaan difaacno nabadda anagoo meesha ka saarayna nidaamka hadda jira,” ayeey saraakiishu ku sheegeen hadal ay soo saareen.

Saraakiishaasi qabsaday Gaaboon ayaa kala diray xukuumadda, golaha guurtida, golayaasha qaranka, maxkamadda dastuuriga ah iyo guddiga doorashada,waxaana la xiray xuduudahana dalkaasi illaa amar dambe.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinayo iskaashiga dhinacyada Gaadiidka iyo Isgaarsiinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo Afgooye ka furay tababar howl-wadeennada doorashooyinka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

W/ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud QM ee arrimaha gargaarka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Xasan Maxamed...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaallamay Mudug oo lagu qabtay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ballaaran oo lagu...