Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed ayaa qaban qaabo xooggan ugu jirta qabsashada Shirwaynaha 2-aad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka, shirkaas oo ay hay’addu qabanayso sanadkii 2-aaD, wuxuuna ka dhici doonaa Magaalada Mogadisho inta u dhaxeysa 24 illaa 26 October 2023.
Shirka ayaa isku keeni doona dhamaan daneeyayaasha ka shaqeeya Kaabayaasha tayada sida hay’addaha dowlada, hay’addaha aan dowliga aheen, cilmi baarayaal, bahda waxbarashad, bulshada rayidka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.
Inta uu socdo shirweynaha 2-aad waxaa lagu falanqayn doonaa sidii ay Soomaaliya ula jaan qaadi lahayd dedaallada dunida ee kor loogu qaadayo Tayada, hirgelinta halbeegyada, horumarinta dhaqaalaha iyo wada ganacsiga.