Madaxweynaha Masar oo la kulmay taliyaha Ciidamada Suudaan

Date:

Madaxweynaha Masar Cabdi Fitaax Al-Siisii, ayaa la kulmay madaxa golaha sare ee dalkaasi Suudaan Cabdi Fitaax Al-Burhaan, oo booqasho ku tagay dalkaasi.

Bayaan maanta ka soo baxay golaha ku meel gaarka ah ee Suudaan, ayaa lagu sheegay in Taliyaha uu halkaasi u tagay si uu ula kulmo madaxweynaha Masar Cabdi Fitaax Al-Siisii, isagoo kala hadli doona deganaasha laโ€™aanta ka jirta dalkiisa.

Safarka Al-Burhaan, ayaa ah kii ugu horreyay ee uu ku tago Masar tan iyo markii uu billaawday dagaalka u dhaxeeya Milatariga Suudaan iyo xoogaga Taageerada deg degga ah.

Dowladda Masar ayaa balanqaaday in ay sii wadayaan taageerada ay siinayaan ciidamada qalabka sida ee Suudaan, si ay u difacaan sharafka ย muwaadiniinta reer Suudaan.

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa Taageerada Degdegga ah ayaa galaya todobaadkii 20-aad, iyadoo intii ay socdeen dagaalada ay ku dhinteen muwadiniin farabadan ayna ku barakaceen malaayiin kale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale