Madaxda kooxda BRICS oo doonaya in la ballaariyo dhismaha ururkaasi

Date:

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku baaqay in la ballaariyo kooxda BRICS ee dalalka dhaqaalahoodu soo korayo si loo dhiso nidaam caalami ah oo ku saleysan cadaalad iyo sinaan.

Khudbad uu ka jeediyay bilowga shirka BRICS ee ka dhacaya Johannesburg, Koonfur Afrika, Xi wuxuu sheegay in Shiinaha aysan dooneynin inay galaan tartan dhanka awoodda ah ama abuuraanka iska-hor-imaad dhexmara dalalka ama mid kooxeed.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa iska fogeeyay waxa uu ku tilmaamay In hal gobol ama koox bulsho ay ka sarreyso kuwa kale,isagoo sheegay in uu aaminsan yahay in sabab xaq ah loo raadiyo danta guud,isla markaana BRICS ay sii waddo horumarkooda.

Guud ahaan 69 wadan ayaa lagu casuumay shir madaxeedka Koonfur Afrika oo ay ku jiraan dhammaan dowladaha Afrika,wqaxaana jira dalal ay ka mid yihiin Algeria, Saudi Arabia, Argentina iyo Ethiopia oo daneynaya in ay ku   biiraan kooxdaasi .

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...