Wasiir Faarax Sh, Cabdulqaadir “Khawaarijtu waxa ay fursad ka heleen dadka aan wax baran”

Date:

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in Manhajka waxbarashadu aysan ku jirin xagjirnimo, balse ay tahay feker ay la yimaaddeen khawaarita.

Wasiirka oo marti ku ahaa barnaamijka Dood furan ee warbaahinta Qaranka, kaas oo looga hadlayay baahinta iyo tayaynta waxbarashada ayaa sheegay in ay kusoo dhuuntaan khawaarijta kana faa’iideystaan dadka aan wax baran.

Wasiir Faarax Sh, Cabdulqaadir “Khawaarijtu waxa ay fursad ka heleen dadka aan wax baran, iskuma dayaan in ay ka dhaadhiciyaan dadka wax bartay ee aqoonta leh, sababtoo dadka wax bartay ma yeelayaan is qarxiya”

Wuxuu sheegay Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir in ay Khawaarijtu ay ka faa’iideystaan qofka jaahilka ah oo aan fursad waxbarasho helin, duruufaha adagna ku nool, iyagoo ku qanciya in ay ka horreyso janno iyo nolol ka fiican tan adduunka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...