Taliska Ciidanka Booliska oo ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Date:

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahiyay Qaraxii saaka ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir uu ku leeyahay Isgoyska Ifka Xalane, degmada Warta nabadda ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in ay Ciidanku fashiliyeen qarax ay khawaarijtu kusoo rareen gaari Land Cruiser ah, kaas oo ay doonayeen in ay ku wax yeelleeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Qaraxa ayuu sheegay in ay la beegsadeen xarunta dhul bixinta maamulka gobolka Banaadir Dowladda hoose ee Xamar qaybta Is-goyska Ifka Xalane.

Afhayeenka ayaa sheegay in uu qaraxaasi ku dhintay hal qof oo u shaqaynayay shirkadda IFO oo ka shaqaysa nadaafadda gobolka Banaadir, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...