Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeer ku tegay Isgoyska Ifka Xalane

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday isgoyska IFKA XALANE gaar ahaan xarunta dhul bixinta Dowladda Hoose ee Xamar oo ah goobtii uu ku qarxay qaraxii ay fashiliyeen ciidanka Amniga qaranka iyaga oo toogtay dhagar qabihii waday gaariga qarxay oo isku dayay in uu si xoog ah uga gudbo bar-kontorol oo ay ciidamada Amniga ku hubiyaan gaadiidka.

Kormeerkan uu Guddoomiye Madaale ku tagay goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa ku wehelinayay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh), iyada oo uu duqa Magaalada Muqdisho war bixin la xariirta dhacdadaani ka dhageestay saraakiishii goobta ku sugneyd, isaga oo ku bogaadiyay sida foojig naanta leh oo ay ciidanka Amniga uga hortageen dhagartan guracan oo ay khawaarijta ku dhibaateyn rabeen shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...