madaxweynaha dowlada hirshabeele ayaa gudoomiyey shir looga hadlaayey Barnaamijka Xasilinta ee ku qotoma Mashaariicda Bulshada,

Date:

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay Shir looga hadlayay Barnaamijka Xasilinta ee ku qotoma Mashaariicda Bulshada, Maamul dhisida, Amniga, Cadaaladda iyo Xalinta Khilaafaadka.

Shirkaan oo ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaanada deegaanka Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabeelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa diirada lagu saaray Dardargalinta iyo Isku Xirka Arrimaha Xasilinta adkeynta Nabadgelyada, Maamul dhisida, Dadaallada Xalinta Khilaafaadka, Xoojinta iyo Tayeynta Hanaanka Garsoorka, si bulshadu u hesho adeeg Garsoor oo Cadaalad ah.

Madaxweynaha ayaa xusay in Degmada Cali Gaduud iyo dhamaan Magaalooyinkii laga xoreeyay Khawaarijta la gaarsiiyo adeegyo horumarineed oo waxtar u leh bulshada si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii ay cadowga ku hayeen 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...