In ka badan 200 oo falastiiniyiin ah iyo ku dhawaad 30 Israa’iiliyiin ah ayaa sanadkan lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto iyo Israa’iil – heer rabshado ah oo kor u dhaafaya tirada guud ee dhimashada sannadkii hore iyo tiradii ugu badnayd ee dhimashada tan iyo 2005, ayuu yiri ergayga Qaramada Midoobay ee Bariga Dhexe.
Tor Wennesland, oo ah isku duwaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan geeddi-socodka nabadda ee Bariga Dhexe, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Isniintii in rabshadaha sii kordhaya ay hurinayaan rajo-xumada sii kordheysa ee mustaqbalka ee Falastiiniyiinta iyo horumar la’aanta ku aaddan helitaanka waddan madax-bannaan.