Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee 2023

Date:

Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay dib u eegista miisaaniyadda dowladda ee 2023, iyadoo ay cod gacan taag ah ay ku ansixiyeen  169 Xildhibaan,waxaa diiday 1-xildhibaan, halka ay ka aamuseen 2-Xildhibaan oo kale. Sidaas ayaa lagu ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda dalka ee 2023-ka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo goobjoog ka ahaa kulanka golaha ee maanta ayaa Baarlamaanka uga mahad-celiyey ansixinta ku laabashada miisaaniyadda dalka

Wasiirka ayaa sidoo kale balanqaaday in miisaaniyadda 2024 la hor keeni doono Golaha xiliga sharcigu dhigayo,Wasiir Biixi ayaa sidoo kale sheegay inuu dadaal weyn ku bixinayo sidii loo gaari lahaa isku filnaansho dhaqaale.

“Waa idinka mahad-celinaya sida sharafta leh ee xilkasnimada ku jirto ee uga gudateen waajibkii qaran ee idinka saarna xeer kamid ah xeerarkeena ugu muhiimsan oo ah xeerka miisaaniyada qaranka ee ku noqoshada, aad baa idinka mahad-celinayaa,” ayuu yiru Wasiir Biixi

Sidoo kale waxa uu wasiiir Biixi xusay in uu gabo gabo marayo hanaanka dayn cafinta dalka oo soo socday dhowrkii sano ee la soo dhaafay,sidoo kale wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya xubin ka noqon doonto ururo caalami ah kuwaas oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo heer Gobol ah,taas oo kaalin weyn ka geysan doonta kor u kaca dhaqaalaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta...

DHAMAYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA

Qareen Mohamed Hassan Nur ayaa waxa uu ka qoray...