Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka oo maanta wareejiyay heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka

Date:

Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka xildhibaan,  Xuseen Iidow ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka nuqullada heshiisyadii Golaha wada tashiga Qaran iyo afarta cutub ee Dastuurka ugu horreeya oo kala ah, baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cutubka , xuquuqda Asaasiga Ah iyo waajibaadka muwaaddinka, dhulka, hantida iyo deeganka iyo matalaadda Shacabka.

Guddoomiyuhu wuxuu si xushmad leh uga codsaday Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka in ay si dhaqsa ah uga soo shaqeeyaan cutubyada lagu wareejiyay, ayagoo dib u eegistooda ku saleeynayo soo jeedimihii wax ka beddelka Dastuurka ee Baarlamaannadii 9-aad iyo 10aad, mudnaanna siinaya heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka , dibna ugu soo celiya isla Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka.

Heshiisyada iyo soo jeedimaha lagu wareejiyay Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka ayaa kala ah:-

  1. Soo jeedimihii wax ka beddelka Dastuurka Baarlamaankii 9-aad iyo 10-aad
  2. Heshiiska hannaanka dooroshooyinka JFS 27 May 2023
  3. Heshiiska lahaanshaha maamulka iyo wadaagga dakhliga Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, sida shidaalka iyo macdanta ee lagu qabtay Baydhabo, 27/4/2018
  4. Heshiiska Federaaleeynta maaliyadda 15-17 March 2023
  5. Heshiiska astaynta awoodaha hay’adaha Dowladda Dec 28, 2022
  6. Heshiiska hannaanka Federaaleeynta Garsoorka Dec 28, 2022
  7. Heshiiska qaab- dismeedka amniga Qaranka 15-17 March 2023.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere...