Ra’iisal wasaare hamsa oo madaxweynaha Kenya kala hadlay fududeynta dal-ku galka Kenya iyo ciribtirka Khawaarijta

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Daaresaalaam kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo isu socodka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla gartay ahmiyadda uu leeyahay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaariijta, oo khatar ku ah guud ahaan amniga gobolka iyo dib u furista xuduudaha oo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kala hadlay Madaxweyne Ruto fududeynta Dal-ku galka (visa) arrintaasi oo looga ballamay in lagu dhameystiro kulamo loo ballansan yahay labada dhinac.

Iyadoo laga duulaayo tayeynta iyo awood siinta da’yarta iyo kor u qaadida waxbarashada, ayaa Madaxweyne Ruto waxa uu ka aqbalay Ra’iisul Wasaaraha in dowladda Kenya ay noo tababarto 1000 macallin oo wax ka dhigi doona heerarka kala duwan ee waxbarashada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...