Duqa muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta dad-dhigista dowladda hoose ee Xamar

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)  caawa xarig jaray xarunta Dad-dhigista dowladda hoose Xamar ee degmooyinka qeybta Bari oo laga hirgaliyay degmada Yaaqshiid, xaruntas oo loogu adeegi doono dadweynaha kunool degmooyinkaasi.

Munaasabadan xarigjarka waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha Guud ee maamulka Gobolka, maamulka Degmada iyo qeybaha bulshada rayidka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa bogaadiyay howlaha ay waaxda Dad-Dhigista soo kor dhisay iyo horumarinta lagu sameeyay adeegyada ay bulshada siiso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE GOLAHA SHACABKA.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...