Dhaxal sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa kala saxiixday heshiisyo ku saabsan maalgashiga, warshadaha difaaca, tamarta iyo isgaarsiinta.
Saxiixa heshiiskan ayaa yimid ka dib wadahadalo ay magaalada Jeddah ku yeesheen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasoo diiradda lagu saarayay arrimo quseeya xoojinta xiriirka labada dal.
Wasiirka Difaaca Sacuudiga, Khaalid Bin Salmaan, ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in maanta oo Talaado ah Boqortooyada Sacuudiga ay la saxiixatay Turkiga, heshiis ay ku iibsaneyso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si sare loogu qaado awooddaa ciidamada qalabka ee Boqortooyada Sacuudiga.
Sidoo kale, labadan dal ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo ku saabsan maalgashiga, heshiis iskaashi oo dhanka isgaarsiinta ah oo u dhaxeeya Waaxyaha Isgaarsiinta Turkiga iyo Sacuudiga.