Dowladda Soomaaliya oo soo iibsatay Saanad Ciidan oo isugu jirta Diyaaradaha dagaalka iyo hub culus

Date:

La taliyaha amniga Qaranka , Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo iibsatay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka iyo hub culus oo isugu jira lidka diyaaradaha iyo madaafiic.

La taliyaha oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sanadkii hore markii ay QM cusbooneysiisay cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya la qafiifiyay shuruudaha, wuxuuna xusay in loo oggolaaday in ay DF soo iibsan karto hubka qaarkiisa taasina ay ka faa’iideysatay dowladda si  khawaarijta loo ciririb tiro.

“Hub waaweyn oo aan horay loogu oggolayn Soomaaliya ayaan sanadkii la soo dhaafay soo gadannay, hadday ahaan lahayd Helocoptarro, Zuugagga iyo Artelleriyada qaarkood ayaan farsamooyinka na loo oggol yahay ku keensannay dalka”.

Mudane, Xuseen Macallin ayaa intaa raaciyay in ay dowladdu ku howlan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tirada iyo tayada qeybaha kala duwan ee Ciidanka XD, si ay Soomaaliya ugu filnaato ilaalinta xudduudaheeda Badda iyo berrigaba.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...