Madaxweynaha dalka oo sheegay in ay u siman yihiin argagixisada iyo kuwa lunsada Canshuurta Qaranka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay isku si ula dagaalameyso argagixisada Al-Shabaab iyo kuwa lunsanaya canshuurta ay dowladdu ka qaadeyso shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri  “Dadka Soomaaliyeedow ogaada, Al-shabaab ka na qarxinaaya iyo kan tuuga ah ee canshuurta xadaaya nooma kala sokeeyaan”.

“Anaga kan dowlad ahaan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan balan qaadayaa waxaasi inaan si xun loo isticmaalin, awoodkasta oo aan leenahay iyo karaamadeena waxaan dul dhigeynaa shillinka qofka Soomaaliga ah laga soo qaaday inaan si kale loo isticmaalin”. Ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu aysan ogolaan doonin lacag canshuur laga soo aruuriyay shacabka Soomaaliyeed in nin jeebka ku rito oo uu la baxsado, isla markaana ay dowladda talaabo adag ka qaadi doonto qofkii ay ku caddaato musuq maasuq.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi),...

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo...