Ciidamada Xoogga Dalka oo Khaarijiyay Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta ( Warbixin)

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwooda sida gaarka ah u tababaran ee DANAB, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose, howlgalkaas oo lagu baacsanayay maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab.

Howlgalka qeybtiisa koowaad ayaa ka dhacay tuulada lagu magacaabo Aboodan oo hoostagta magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose, bartilmaameedka howlgalkaas ayaa ahaa shan gaari oo ay la socdeen maleeshiyaadka ka tirsan argagixisada Al-shabaab.

Ciidankii fuliyay howlgalkaas ayaa bur buriyay dhammaan gaadiidkii beegsigu ahaa, waxaa kale oo la dilay maleeshiyaadkii saarnaa gawaarida ka dib markii ay dagaallameen.

Dhanka kale, ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorysheysan ku dilay horjooge magaciisu lagu soo gaabiyay “Abuu Sahal” iyo Shan maleeshiyo oo ilaalo u ahaa,kuwaas oo qeyb ka ahaa dhibaateynta shacabk ku nool gobolka jubbada hoose.

Howlgalkaas lagu dilay horjoogahan iyo maleeshiyaadka la socday ayaa ka dhacay deegaanka Kaam-jaroon oo hoostaga magaalada Kismaayo, halkaas oo dhagar qabahan ku dhuumaaleysanayay

 

Gobollada Jubbooyinka waxaa la xoojiyay howlgallada lagu beegsanayo maaleeshiyaad, horjoogayaasha iyo gaadiidka ay u adeegsadaan dhagarta ay u maleegaan shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...

Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...