I๐—บ๐˜๐—ถ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ตa๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ oo maanta ka bilowday dalka

Date:

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaas oo ka bilawday magaalada Muqdisho iyo Dowlad gobaleedyada dalka.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannadkan ayaa waxaa u fariistay arday gaaraysa 33,700,ย  kuwaas oo ku kala galaya 114 xarumood oo ku yaalla gobollada dalka, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa guul u rajeeyey ardayda u fariisanaya imtixaanka shahaaadiga ah, waxuuna ku bogaadiyey wasaaraddaย  iyo macallimiinta dadaalka ay galiyeen ilaalinta imtixaanka dowliga ah.

Xukuumadda #DanQaran oo ahmiyad gaar ah siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashada, ayaaย  dhawaan howlgelisay 3,000 oo macallim,ย  waxaana ardayda Soomaaliyeed laga dhaafay dhaqaalihii ay ka qaadi jirtay hoon-nanbarka imtixaanadka dalka.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhagax dhigay Ceelal biyood laga hirgelinayo Gobolka Bakool

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo xoojinaya xiriirkooda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda...

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-laโ€™aan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane...