Dowladda Maxay ku dooratay in dalalka safka hore ay la kaashato dagaalka Khawaarijta?

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka Khawaarijta Al-shabaab ay u kaashanayaan cid kasta oo wax kala qabanaysa, si loo soo gabagabeeyo dhibaatada ay ku hayaan bulshada gobolka.

Mudane, Xasan Sheekh oo ka qeyb galayay kulan Dad weyne oo lagu qabtay Muqdisho kana jawaabayay su’aal ahayd sababta ay dowladdu u door bidday in ay dagaalka khawaarijta ka qeyb qaataan dowladaha safka hore ayaa sheegay in waddamada jaarka iyo kuwa naga fogba ay kaashanayaan maaddaama uu cadowgu yahay mid caalami ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howlgalka la qorsheeyay ee ay wada geli doonaan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada dalalka safka hore uu noqon doono sagaashan Cisho oo keliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidanka ATMIS uu yahay mid madax bannaan kana tirsan AU oo hoos taga Qaramada midoobay, sidaa awgeedna aysan u howlgeli karin sida aan rabno ama sida ay doonayaan dowladahooda, kuwaas oo u hoggaansami kara ammarkeenna iyo wixii ay dowladahooda faraan.

“Ma heli karno inaan dhahno AMISOM ha naloo soo badiyo, ma heli karno AMISOM sida annaga aan rabno in ay u shaqayso, dowladahoodiina kalama heshiin karno sababtoo ah AMISOM waxay ku jirtaa United Nations Security Council iyo African Union, dowladahoodii xitaa wax badan kama baddeli karaan , kuwo annaga aan dhihi karno waddadaan baan rabnaa inaad martaan, ayaguna ay dowladahooda dhihi karaan waddadaas ay dowladda Soomaaliya codsatay mara waaye kuwa aan maanta haysanna”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tusaale usoo qaatay bulshada bariga Afrika oo ay Soomaaliya dooneyso in ay ku biirto iyo waddamada xubnaha ka ah, kuwaas oo aan wax lala wadaagi karin haddii aan la helin amni, sidaa daraaddeedna ay kaashanayaan cid kasta oo ka caawineysa la dagaallanka kooxaha khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Danjire Awaare oo ka qaybgalay kulanka wakiillada joogtada ah ee Jaamacadda Carabta

Danjiraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada...

Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan

Ugu yaraan 600 oo qof ayaa dhintay, 1,500 oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxa Bisha Cas ee Qatar oo ka wada hadlay gargaarka iyo tababarrada

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...