Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay horumarinta Muqdisho iyo mataanaynta labada Caasimadood

Date:

Agaasimaha Xiriirka Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga Mudane, Maxamed Xasan ayaa kulan la qaatay Kusimaha Danjiraha Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya ahna Safiir Kuxigeenka Mudane, Naasir Cali.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta Barnaamijyada Gargaarka bani’aadanimo ee Dowlada Qatar ka fuliso Gobolka Banaadir, sidii dowladda Qatar ay maamulka Gobolka Banaadir ugu gacan siin lahayd arrimaha horumarinta Caasimadda iyo in laga wada qeyb qaato shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale kulanka ayaa la iskula soo qaaday dhismaha Dugsiyada farsamada gacanta, tababaridda shaqaalaha Dawlad hoose ee Xamar iyo dabagalka heshiisyada mataaneynta Muqdisho iyo Doxa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka hadlay Barnaamijyada Maalgashiga ee Soomaaliya

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiir Fiqi oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub ee Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la yeeshay Madaxa Bankiga Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka cimilada Soomaaliya Midane Bashiir...

R/WXamse ” Xukuumadda waxa ay waddaa qorshe lagu hormarinayo Waxbarashada dalka”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...