Kulan looga hadlayay dardar gelinta amniga Caasimadda oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaay, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmad Firiin iyo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa kulan dardaaran iyo bogaadin ah oo ku saabsan xoojinta Amniga Caasimadda la qaatay Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir Iyo saraakiisha Laamaha Amniga.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka, Taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad Sugida, waxaana madaxda iyo Saraakiisha kulankan ka hadashay ay si wadajir u amaaneen hey’addaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka sidii wanaagsaneyd oo ay Amniga Caasimadda u maareeyeen bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhagax dhigay Ceelal biyood laga hirgelinayo Gobolka Bakool

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo xoojinaya xiriirkooda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda...

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane...