Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia)

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia) Farantz Celestin.

Guddoomiyaha iyo madaxa IOM Soomaaliya  ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan hawlaha hay’addu ka wado Soomaaliya iyo kor u qaadista taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen wada-shaqaynta Aqalka Sare iyo in guud ahaan mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh hay’adaha dowladda.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Xoghaya Guud ee Aqalka Sare, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...