Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka oo u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Hirshabeelle

Date:

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Hirshabeelle Cabdullaahi Maxamuud Gacal uu madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen u magacaabay xilkaasi.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ugu duceeyay in uu Alle u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday garyaqaan Cabdullaahi Maxamuud Gacal, waxaana uu u ballan qaaday in maxkamadda sare ee dalka ay garab istaagi doonto.

“Runtii na waxa aan ku aqaanaa aqoon, waayo-aragnimo, iyo hoggaamin heerkeedu sarreeyo.

Maxkamadda Sare ee Federaalku taageero buuxda ayey la garab taagan tahay si loo xaqiijiyo hufnaanta, dhexdhexaadnimada iyo madaxbannaanida Garsoorka loona hirgeliyo sharciga hab middaysan.”

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa 8 -dii bishii April u magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Hirshabeelle garyaqaan Cabdullaahi Maxamuud Gacal, kadib markii uu kala diray garsoorkii hore ee dowlad goboleedkaa Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...