Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Shacabka oo kulan la qaatay wafti ka yimid Baarlamaanka Yurub. {SAWIRRO}

Date:

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu weheliyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri) ayaa kulan la qaatay wafti xildhibaano ka yimid Baarlamaanka Yurub, kuwaas oo ay ahaayeen Guddiga Difaaca iyo Amniga Baarlamaanka Midowga Yurub.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan, waxayna soo dhoweyeen Safarada uu Guddoomiyaha ku tagay dalal ka mid ah Qaaradda Yurub iyo xiriirka saaxibtinimo uu la yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya, qaar ka mid ah Baarlamaannada Yurub. Wafdiga oo Muqdisho u yimid in ay ogaadaan xalada guud ee Soomaliya gaar ahaan Amniga iyo howlgalada ka socda dalka iyo kaalinta uu ku leeyahy BJFS.
kulanka Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo Guddiga Difaaca iyo Amniga oo uu hogaaminayay Mudane Xil. Nathalie Loiseau ayaa u kuur galay hubinta Barnaamijyada lagu Caawinayo sugida Amniga iyo difaaca dalka horumarka dhaaqaalaha guud ee Dalka. Waxaa kale oo ay isku raaceen garab istaaga howlgalada amniga iyo ladagaalanka argigixisada.
Ugu dambeyn Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa uga mahadcelisay Xildhibaanada imaatankooda iyo u kuur gelidooda howlaha iyo mashaariicda midowga Yurub ee Soomaaliya ku bixiso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...