Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Jabuuti, Kanada iyo Kuubba.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Jabuuti, Kanada iyo Kuubba ee loo soo magacaabay Soomaaliya.
Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu waxa uu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah; Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, Safiirka cusub ee dalka Jabuuti, Mudane Christopher Thornley, Danjiraha Cusub ee Kanada iyo Mudane Juan Manuel Rodriguez oo ah Danjiraha ee dalka Kuubba u fadhin doona dalkeenna.
Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Madaxda iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay in soo celinta xiriirka dalka Kuubba uu ka tarjumayo ka dhabeynta qorshihiisa Soomaali Heshiis la ah Dunida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...