Gabar sadax bilood jirtay oo Hooyadeed dib ula midowday 54 maalin ka dib dhul gariirkii Turkiga. {Sawirro}

Date:

Gobolka Adana ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacday dhacdo cajiiba, taasoo ah gabar yar oo gacanta hooyadeed dib loogu soo celiyay, ka dib markii la waayay muddo 54 maalmood ah dhulgariirkii ku dhuftay dalkaasi 6-dii bishii February. Sida laga soo xigtay wakaaladda Anatolia, Yasmine Bakdash ayaa isku duubtay gabadheeda yar ee faten oo jirta 3 bilood, taasoo ay kooxaha gargaarka ka soo badbaadiyeen burburka dhulgariirkii ba’naa ee ka dhacay gobolka Hatay ee koonfurta Turkiga.

Wasaaradda qoyska iyo adeegga bulshada ee ayaana gacan ka gaysatay kulanka Hooyo Yasmine Bakdash iyo gabadheeda Faten, Sida lagu sheegay xog ay wasaaraddu daabacday Axaddii.

kooxaha gargaarka ayaa ka badbaadiyay ilmaha yar burburka hoostiisa 128 saacadood kadib dhulgariirka. Ilmahan yar ayaa dhul gariirkaasi ku waayay Aabaheed iyo laba wiil oo ay walaalo ahaayeen, halka hooyadeedna yasmine ay ku dhaawacantay oo lagu daweynayo gobolka Adana.

Wasaaradda qoyska iyo adeegga bulshada ee Turkiga ayaa la socotay daryeelka ilmahan yar, kaddib markii la soo badbaadiyay, waxaana loo gudbiyay caasimadda Ankara, si ay baaritaanno muhiim ah ugu sameeyaan qoyskeeda. Baaritaanka DNA-da ka dib, Wasaaradda Turkiga waxay ogaatay in ilmaha yar hooyadii ay tahay Yasmine Bakdash, oo lagu daweynayo Adana. Wasiir Derya Yang ayaana goob joog ka ahayd xilligii ay yasmine Bakdash la kulmaysay gabadheeda yar jawi qiiro leh oo ku tusinaya inay kala maqnaayeen ku dhawaad ​​laba bilood.

Dhulgariir aad u ba’an ayaa ku dhuftay koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya 6-dii Febraayo, kaasoo ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

Waxay ahayd cajiib in kooxaha samata bixiyaashu ay heleen gabadh yar ee Faten oo caafimaad qabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...