Trump oo u duulaya New York si maxkamad loo soo taago

Date:

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa “isku diyaarinaya dagaal dhinaca sharciga ah” xilli la filayo in maalinta Talaadada ah uu dhageysiga kiiskiisa ka bilowdo maxkamadda, sida uu sheegay qareenkiisa.

Mr Trump oo hadda ku sugan gurigiisa ku yaalla Mar-a-Lago ayaa la filayaa in uu maanta oo Isniin ah u duulo magaalada New York, halkaas oo uu ku wajihi doono dacwado la xiriira lacago laaluush ah oo la siiyay haweeney ka shaqeysa filimada anshax xumada.

Ka dib waxa uu qorsheynayaa in uu dib ugu laabto gobolka Florida marka uu dhammaado dhageysiga maxkamadda. Florida marka u uku noqdo waxa uu khudbad u jeedin doonaa taageerayaashiisa.

Donald Trump waxa uu weli beeninayaa in uu wax dambi ah galay.

Qareenka u doodaya oo lagu magacaabo Joe Tacopina ayaa ballan qaaday dacwad kasta oo ka dhan ah madaxweynihii hore loola dagaallami doono si adag.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xariga ka jaray dhismaha Buundadda Sabiid iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho 1- Madaxweyne Xasan...