Wasiirka Arrimaha dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Canada.

Date:

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya , Abshir Jaamac Huruuse ayaa maanta nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee ay dowladda Canada u soo magacowday Soomaaliya , Christopher Thornley.

Wasiir Huruuse ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Canada uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo ku salaeysan iskaashi iyo saaxiibtinimo, wuxuuna intaa ku daray in Canada ay ku nool yihiin Soomaali badan oo saamayn ballaaran ku leh labada dal.

“Waddamada Soomaaliya iyo Canada waxaa ka dhexeeya xiriir dheer oo iskaashi iyo saaxiibtinimo, waxaana ku nool waddanka Canada jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u ballaaran saamayn badanna ku leh labada waddan”.

Wasiir Huruuse ayaa sheegay in dawladda Canada oo Danjire u soo dirsata dalkeenna ay sii adkaynaysaa xiriirka dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...