Soomaliland oo soo dhowaysay magacaabista ergeyga wada hadalada DF iyo Soomaliland

Date:

Madaxweynaha Soomaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u  horreysay ka hadlay magacaabista Cabdikariin Xuseen Guuleed oo uu maalin ka hor madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay ergeyga gaarka ah ee arrimaha Somaliland.

Madaxweyne  Biixi ayaa soo dhaweeyay magacaabista, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo horay loogu qaaday wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaliland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Cabdikariin Guuleed uu yahay nin wax badan kala socda siyaasadda iyo howsha loo xil saaray, maadaama uu horay uga soo shaqeeyay.

“Shalay waa tii la magacaabay ergayga wada hadlada, arrintaan waxa aan u aragnaa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, ergeyga loo magacaabay waa nin aqoon badan u leh siyaasadda, anagana waan soo dhaweyneynaa”ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi oo sheegay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsan codsiyo u soo dirsadeen dowladda

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Guddoonka labada Aqal ee BFS oo ganaaxay Xildhibaanno qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Qaabilaadihii dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...