Wasiirka Wasaaradda Tamarta XFS oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle

Date:

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Mudane Xildhibaan JaamacTaqal Cabaas ayaa Maanta Booqday Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA,Waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle.

Wasiirka iyo Guddoomiyaha  ayaa ka wada hadlay sidii Wasaaradda Kheyraadka Biyaha iyo Hay’adda SoDMA ay iskaashi iyo wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen, gaar ahaan isdhaafsiga xoggaha,ka hortaga Fatahaadaha  si loo yareeyo saamaynta abaaraha & fatahaadaha iyo iswaafajinta dadaalada xarumaha hortabinta ka digista ee saadaasha roobabka iyo biyaha ee labada hay’adood.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii loo heli lahaa hanaan is waafqasan oo lagu yareeynayo saamaynta abaaraha & fatahaadaha iyo sidii loo xoojin lahaa arrimaha ku saabsan xalalka waara iyo u adkeysiga aafooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed

Addis AbabA- Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa...

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...