Xukunka Bamba tuure laga qabtay Ex Control oo katirsan Khawaarijta Al shabaa

Date:

Sharma’arke Yuusuf Daa’uud ayaa loo soo xiray ka mid ahaashiyaha Khawaarijta Alshabaab, waxa uu u qaabilsanaa fulinta Dilalka qorsheysan iyo Bambo tuurka, waxaana la soo qabtay isaga oo Bom-gacmeed ku tuurayo koolba waardiyaha taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Ex-Kontarol Afgooye.

Sharma’arke ayaa maleeshiyada ku biiray 2022 waxaana ku tashkiiliyay Saaxiibkiis, Waxa uuna tagay tuulada Ugunji halkaa oo sadax cisho ku soo qaatay sida loo tuuro Bambo gacmeedka iyo isticmaalkeeda, kadib ayuuna ku soo laabtay deeganka Weydow ee duleedka Muqdisho.

Waxa uu qayb ka ahaa Dilal ka dhacay Degmada Kaxda, waxa ay wada geesteen isaga iyo laba kale, waxa uu Bambooyin ku tuuray ciidamo ku kala sugnaa Suuqa-Weyn ee Wadajir, Seybiyaano iyo tan hadda lagu soo qabtay oo uu ku tuurayay Taliska Ciidan Astuubta ee Ex-Koontarol Afgooye.

Eedeysanaha Waxaa gacanta ku soo dhigay askar ka tirsan Ciidanka Asluubta oo goobta ku sugnaa, sidaas ayaana lagu qabtay isaga iyo Bambkii uu watay 21-dii December 2022.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Maxkamadda ka codsaday qaadista kiiska Sharmaarke, waxaana laga ogolaaday 11-kii March ee sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada oo siiyay muddo ku filan dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta go’aan ka soo saaray Galka Sharma’arke Yuusuf Daa’uud Aadan, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...

Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Qadar oo yeeshay kulan muhiim ah

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Faahfaahin ka Bixiyay Qaraar ku Saabsan Khayraadka Dabiiciga ah oo uu Meel Mariyay Baarlamaanka West Virginia.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac,...