Daadad mar kale ku rogmaday Baardheere oo sababay dhimasho

Date:

Daadad xooggan ayaa ku soo rogmaday degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waana markii labaad muddo toban maalmood gudahood ah.

Saddex qof oo isku qoys ah, hooyo, gabadheeda iyo wiil ay ayeeyo u ahayd ayaa ku dhintay daadad xalay ku soo rogmaday degmada Baardheere.

Daadadka ayaa yimid xilli Biyo ay jabiyeen qeybo ka mid ah jiinka webiga Jubba, kuwaasoo ku fatahay guryihii dadka deegaanka, isla markaana ay dadka ku qasbay inay naftooda la baxsadaan.

Dhowr qof ayaa horay ugu dhintay daadad todobaadkii hore ku soo rogmaday Degmada Baardheere.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...