Ciidamada Gaarka ah ee  xeebaha Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay in kabadan 700 oo tahriibayaal ah

Date:

Ciidamada Gaarka ah ee  xeebaha Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay ku dhawaad 750 tahriibayaal ah labo howlgal oo kala duwan oo ay sameeyeen xeebaha koonfureed ee Liibiya,saacado kadib markii ugu yaraan shan qof oo kasoo baxay xeebaha Tunisia ay ku dhinteen 33 kalena weli lagu la’yahay.

Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in ilaa 295 qof laga soo badbaadiyay doon kalluumeysi oo lagu qabtay meel 167 km u jirta xeebta bari ee gobolka Calabria, halka qiyaastii 450 laga soo badbaadiyay markab kale oo kalluumeysi oo 185 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Syracuse ee koonfurta Sicily.

Howlaha samatabixinta muhaajiriinta ee Talyaaniga ayaa isha lagu hayay tan iyo bishii Febraayo 26-keedii kadib markii markab ku degay meel u dhow xeebta Calabria ay ku dhinteen ugu yaraan 88 qof, 10 kalena la la’yahay.

Doontan ayaa la arkayay kahor inta aysan degin balse maraakiibta Booliska ayaa ku guuldareystay in ay gaaraan, cimilo xumo awgeed.

Laakiin siyaasiyiinta iyo hay’adaha samafalka ayaa su’aal ka keenay sababta maraakiibta Ilaalada Xeebaha, oo u diyaarsan howlgallada badan aysan u soo badbaadin muhaajiriintan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...