𝙂𝙤𝙡𝙖𝙝𝙖 𝙒𝙖𝙨𝙞𝙞𝙧𝙧𝙖𝙙𝙖 𝙤𝙤 𝙡𝙖 𝙝𝙤𝙧𝙠𝙚𝙚𝙣𝙖𝙮 𝘿𝙖𝙧𝙖𝙖𝙨𝙖𝙙 𝙬𝙖𝙭 𝙡𝙤𝙤𝙜𝙖 𝙦𝙖𝙗𝙖𝙣𝙖𝙮𝙤 𝙙𝙝𝙞𝙗𝙖𝙖𝙩𝙤𝙤𝙮𝙞𝙣𝙠𝙖 𝙖𝙮 𝙡𝙖 𝙠𝙪𝙡𝙢𝙖𝙖𝙣 𝙬𝙖𝙙𝙚𝙮𝙖𝙖𝙨𝙝𝙖 𝙂𝙖𝙖𝙙𝙞𝙞𝙙𝙠𝙖 𝘽𝙖𝙟𝙖𝙖𝙟𝙩𝙖

Date:

Muqdisho, Maarso 23, 2023; Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha  Gaadiidka Bajaajta.

Guddiga oo sameeyey daraasad,baaritaanno iyo xogwareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka bajaajta ayaa soo bandhigay tallooyin ka kooban 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan bajaajleydu.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo goluhu adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo xiligaan ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, si aysan argagixisadu fursad ugu helin dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...