100 ruux oo ku dhintay duufaan mar kale ku dhuftay dalalka Malawi iyo Mozambique

Date:

In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay dalalka Malawi iyo Mozambique ka dib markii duufaanta Freddy oo wadata dabeylo xooggan iyo roobab mahiigaan ah ay dib ugu laabteen dhul weynaha Koonfurta Afrika.

134 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay 16 kalena waa la la’yahay. Caasimada ganacsiga Malawi ee Blantyre ayaa diiwaangelisay 85 dhimasho ah.

Dalka dariska la ah Mozambique, ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay 14 kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Machadka Qaranka Mozambique ee Maareynta Musiibooyinka ayaa sheegay in duufaanta ku soo noqotay  dalka ay ka sii xun tahay tii hore.

Duufaanta Freddy ayaa markii labaad ku soo laabatay dalalkaasi,kadib kolkii dabayaaqadii bishii Febraayo ay ku habsatay dalalkaasi,waxaan suurtagal ah in tiradu dhimashada ay kor u kacdo,sida uu ka dhawaajiyay Charles Kalemba oo ah madaxa Waaxda Maareynta Masiibooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...