Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowladda waxay shaqaalaysiin doontaa 10 kun oo macallin si loo daboolo baahiyaha waxbarasho”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan sheekh Maxamuud ayaa balanqaadadiisii ololaha doorashada waxa ka mid ahaa kor u qaadida waxbarashada dalka iyo in dhamaan adeegyada dowladda si siman loo gaarsiiyo dadweynaha,sidoo kale madaxweynaha ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in Sanadka 2023 noqon doono sanadkii Adeegyadda Dowladda la gaarsiin lahaa dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray shirweynaha waxbarashadda qaranka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka kaas oo ay ka soo qayb galeen dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka,gobolka Banaadir,xubno ka socda laba gole ee baarlamaanka,bahda waxbarashadda iyo xubno ka socda wakiilada beesha caalamka,madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in dowladda Soomaliyau qorshaysan tahay qaadashada ilaa 10 kun oo macallimiin ah si loo buuxiyo baahiyaha waxbarasho ee ka jira dalka.

Wasiirka Waxbarasahdda XFS mudane Faarax sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in shirkaan lagu soo bandhigi doono daraasado iyo aqoon isweydaarsi la xariira sidii loo tayayn lahaa waxbarashada dalka iyo mastaqbalkana loo heli lahaa waxbarasho tayo leh,wasiirka ayaa xusay in shirkan ujeedooyinka loo qabtay ka mid tahay sidii la isula fahmi lahaa caqabadaha ku gadaaman waxbarashada dalka iyo sidii la isula fahmi lahaa loona xalin lahaa.

Wasaaradda waxbarasahdda Hiddaha iyo tacliinta sare ayaa ka hor inta uu shirka furmin la kulantay culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka kuwasa oo laga aragti galinayay sida loo tayayn karo guud ahaan waxbarashada dalka,wasaaradda waxbarashadda ayaa sidoo kale wada daddaallo lagu hormarinayo waxbarshada dalka ayaa dhawaan qaaday imtixaanka macalimiin seddex kun oo ay wasaaraddu doonayso in ay qayb ka noqdaan horumarinta waxbarashadda dalka hadana ay socoto sixitaanka imtixaankii dhawaan ay wasaaraddu qaaday lana shaacin doonto dhowaan natiijada.

Madaxweynaha oo dul istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid ah oo Qaran oo wax lagu baro ubadka soomaaliyeed ayaa xusay in la shaqaaleysiindoono Toban kun oo Macallimiin soomaaliyeed ah si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee ay helikaraan muwaadiniinta soomaaliyeed.

“Qorshaheennu waa in aan kordhinno tirada ardayda xaadirta iskoolada oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan miyiga iyo bulshooyinka nugul, sidookale waa in aan dhaqangalinno manhaj mid ah oo Qaran iyo in aan hubino barid tayo sare leh oo ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo Macallimiin lagu xulay tartan daah furan inaga oo shaqaaleysiindoona ugu yaraan 10,000 oo Macallimiin ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in fursadaha waxbarasho ee xilligaan ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ay aad u hooseeyaan taasi oo caqabad ku ah dhisidda mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka, isaga oo ka dalbaday aqoonyahanka, qurbe joogta iyo kaadiriinta waxbarashada dalka in ay gacan ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraaya si loo xaqiijiyo degenaasho siyaasadeed, horumar dhaqan-dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka hanaqaadda dalkeenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...