Golaha Shacabka oo Ansixiyay Gudiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG ah

Date:

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta hor geeyay golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka xubnaha gudiga madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka KMG ah oo ay dhawaan ay soo gudbiyeen golaha wasiirada xukuumadda.

Xubnahan oo ka kooban shan xubnood ayaa golaha waxay u qaadeen cod, waxayna ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, iyadoo aysan jirin mudane diiday ama ka aamusay.

Ansixinta ka dib, wasiirka wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa u mahadceliyay xildhibanada golaha shacabka sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen xubnaha guddiga madax bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo ay soo gudbisay wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Xubnaha la ansixiyay ayaa kala ah:

  1. Maxamed Xasan Idiris
  2. Axmed Maxamuud Jaamac
  3. Maxamed Cabdalla Saalax
  4. Farxiya Muumin Cli
  5. Burhan Aadan Cumar

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...