Howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta oo dardar uga socda Jubbaland

Date:

Waxaa dardar ku socda howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo deegaannada Jubbaland kuwaas oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Madaxda qaranka iyo kuwa Jubbaland ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta in ay doorkooda ka qaataan qorshyeyaasha dib u xoreynta iyo horumarinta deegaannada Dowlad gobolleedka Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku booriyay ciidamada huwanta ah dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee diidan nabadda iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhaq-dhaqaaqa iyo howlgallada bilowga ah ayaa wal-wal iyo cabsi xooggan ku abuuray Khawaarijta, kuwaas oo hadda bilaabay in ay ka cararaan deegaannada fara ku tiriska ah ay ku harsan yihiin, waxayna ciidamada qaranka iyo kuwa Jubbaland ay jilibka u dhigeen weeraro fulaynimo oo ay maleeshiyada Khawaarijta soo abaabuleen, kuwaas oo dhawaan ka dhacay deegaanka Jannaay Cabdalla, waxaana halkaas argagixisada lagu gaarsiiyay khasaaro xooggan oo mahadho ku reebay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ciidamada isgarabsanaya ee xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland uga mahadceliyay sida ay har iyo habeen ugu taagan yihiin xoraynta dalka iyagoo naftooda u huraya sidii dalkeennu uu cagahiisa iskugu taagi lahaa.

Ugu dambeyntii, ciidamada qaranka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa guulo wax ku ool ka soo hooyay dagaalladii ugu dambeeyay ay la galeen Khawaarijta. Dowladda federaalka ayaa sii xoojineysan doorkeeda howlgallada socda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qayb galay shirka warshadaha Dalalka ku bahoobay EAC

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee...

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Yemen oo wasaaradda Arrimaha dibedda Yemen ka guddoontay warqadaha Aqoonsiga

Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed...

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Asad Cabdirisaaq...

Wasiirka Qoyska XFS oo furtay Imtixaanka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...